Maxaa ka dambeeya dugsiga hoose dhexe?

Dugsi sare Machadka xirfadaha ee Turku  Xarumo waxbarasho oo kale Dugsiga sare ee galabta ee Turku Kulliyadda waxbarashada sooshalka iyo caafimaadka ee Kaarina Machadka Kiristaanka ee Turku Tilmaam: Markaad taabatid masawirrada tilmamaha jidka ku yaalla waxaad heleysaa warbixin dheeri ah oo ku saabsan fursadaha waxbarasho ee kala duwan.


Boggan wuxuu ka warramayaa fursadaha waxbarasho ee ka jira Turku kuwaas oo ku wajahan  dhallinta dal usoo guurayaasha ah ee dhammeystay galaaska 9. aad ee dugsiga hoose dhexe. Boggan waxaa loo gaddiyay/turjumay dhowr luuqadood. Moped waxey ka taakuleyneysaa qoysaska xulashada waxbarasho iyadoo la kaashanayo mashruuca la yiraahdo yhdessä onnistuvat opit (aqoontu wadajir ayey ku suurtowdaa)

Maxaa loola jeedaa kalmadaha  ”perusopetus”, ”toisen asteen koulutus iyo ”yhteishaku”?

Perusopetus: Waxbarashada aasaasiga ah waxaa lagu bixiyaa galaasyada 1-9 ee dugsiga hoose dhexe.

Toisen asteen koulutus: Waxbarashada ka dambeysa/ku xigta dugsiga hoose dhexe ayaa lagu magacaabaa waxbarasho marxaladda xigta/labaad. Marxaladda labaad waxbarashadeedu waxey noqon kartaa waxbarasho xirfad ama mid wax laga baranayo dugsi sare. Waxbarashada machadada xirfadaha ama tan dugsiga sare waa bilaash. Buugaagta wax laga baranayo iyo qalabka waxbarasho waa in qofku iskiis usoo gato.


Yhteishaku: Ardeyga dhigta dugsiga hoose dhexe wakhtiga ugu horreeya ee uu dalban karo waxbarashadiisa xigta ama meshii uu wax kasii baran lahaa waa xilliga galaaska sagaalaad ee deyrta. Waxbarashada marxaladda labaad ee xirfadda ama dugsiga sare waxaa waddanka dhan laga dalbadaa wakhti go`an. Wakhtigaas sida wada jirka ah waddanka dhan wax looga dalbado ayaa la buuxiyaa foom lagu dalbanayo booska waxbarasho. Dalabka wadajirka waxaa lagu buuxsan karaa shan meelood oo kala duwan ee uu shaksigu rajeynayo. Ardeyga waxaa badanaa lagu xushaa natiijada ugu qoran shahaadada. Meelaha wax laga barto qaarkood waxaa wali lasii sameeyaa imtixaan loogu gudbayo meeshaas.

Dalabka wadajirka waxaa la sameeyaa labo jeer sannadkii, deyrta iyo gu`ga.